Farmaajo oo ka qeybgalay dhaarinta Gudiggii uu magacaabay ee la dagaalanka Musuq Maasuqa-SAWIRO

Published: April 25, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee sameystay muddo kordhinta Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayay Guddi uu dhawaan magacaabay ee Gudiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Farmaajo oo ay haystaan cadaadisyo kala duwan ayaa munaasabada dhaarinta ka sheegay in dowladiisa ay tallaabooyin u qaaday dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha mudada kororsaday ayaa xusay in Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa uu muhiim u yahay hanaanka isla xisaabtanka iyo hufnaanta Hay’adaha kala duwa ee dowladda.

Dowladda mudada kororsatay ee uu hogaamiyo ayuu sheegay in ka go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha.

“Maanta waxaa la idiin dhaariyey masuuliyad weyn oo heer qaran ah. Waxaan idin ka sugeynaa in aad xaqiijisaan hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adkeynta isla xisaabtanka, ilaalinta hantida shacabka iyo dabar goynta musuqmaasuqa oo dib u dhigay horumarka dalkeenna.”

Waxaa la isweydiinayaa shaqada uu qaban doono Gudigan xili wadanka uu ku jiro xaalad adag iyo xasarada ka dhashay muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo, Hadal haynta ugu weyn ayaa ah dhaqaale darada ay wajahayso dowladda uu horboodayo Famaajo iyo cidda ay la xisaabtami doonaan Gudiggan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaa muuqata jaah wareer baahsan ee Dawladda xilkeedu dhammaaday iyo hogaankeeda oo ay uga soo hartay ,magacaabid guddiyo magac u yaal ah kan maanta iyo kuwo kale oo soo socda sida guddiga nadaafadda, qurxinta, dhaqanka iyo nabadda.