Maraykanka oo ka walaacsan xaaladda Soomaaliya

Published: April 27, 2021
Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken

Qoraal ka sooaabxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay sida Maraykanku uga walaacsan yahay xaaladda Muqdisho ka taagan, kadib dagaalo dhex marey ciidamada dowladda taabacsan iyo ciidamo kale oo dowladda ka tirsanaa oo ka soo horjeeda muddo kordhinta.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay xakameeyaan rabshadaha, si nabad ahna ku xalliyaan khilaaftooda. Wadahadal iyo is afgarad ayaa ah dariiqooyinka kaliya ee lagu xallin karo jahawareerka doorashada” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkan oo intaas sii raaciyay “Waxaan ku boorrineynaa dhinacyada in ay si deg-deg ah dib u billaabaan wadahadalladii, si loo gaaro waddadii lagu heshiiyay, loona qabto doorasho deg-deg ah”

Mar kale ayaa Maraykanku sheegay in aan xaaladda sidaas lagu fiirsan donin oo dad loo ciqaabi doono kuwaas oo la sari doono cunno qabateyn iyo xayiraad dhanka socdaalka ah.

Farmaajo ayaan weli si rasmi ah uga tanaasulin muddo kordhinta, inkasta oo albaabkasta ka soo xirmey, sidoo kale ma muujin saansaan uu ku joojin karo dagaalada la abaabulaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *