Qaybdiid: Farmaajo iyo Mursal ayaa qaadaya masuuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay

Published: April 28, 2021

Cabdi Xassan Cawaali (Qaybdiid) oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee muddo xikleedlkiisu dhamadeey ayaa ka digey in Golaha Shacabku uu qaado maalinta Sabtida tallaabo kale oo xaalka dalka uga daraysa, sidii ay horey u sameeyeen.

Qaybdiid oo waraysi siiyey VOA ayaa la weydiiyey wararka sheegaya in Golaha Shacabku ay xil ka qaadis ku samaynayaan Raysalwasaaraha, ayaa ku tilmaamey mid xaaladda uga daraysa oo nabadgelyo darro horseedeysa, wuxuu sheegay in Golaha Shacabka looga bartey tallaabooyin aan sharci ahayn, horey ayey iyada oo gogol taal Raysalwasare xilka ka qaadeen laakiin maanta waan u digaynaa ayuu yiri.

Senator Cabdi Xassan ayaa la weydiiyey cidda qaadeysa masuuliyadda barakicii ka dhacay Muqdisho iiyo khasaarihii nafeed, waxaana si aan ka leexad lahayn u sheegay in masuuliyadda kowaad ay qaadayaan Golaha Shacabka iyo shir guddoonkooda ee u codeeyey qaraar sharci darro ah dalkana khalkhal geliyey, sidoo kale waxaa masuuliyadda la qaadaya madaxweynaha oo qaraarka saxiixey isaga oo aan ka fiirsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *