AAW: “Farmaajo ha qaato Go’aan geesinimo leh oo ha macsalaameeyo Shacabkiisa”

Published: May 1, 2021

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kula taliyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu qaado go’aan geesinimo leh oo uu u tanaasulo dadka Soomaaliyeed xili la sugayo in uu hortago xildhibaanada wakhtigu ka dhacay ee Golaha shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hadii Farmaajo uu iska indho tiro xaqiiqda jirta uu noqonayo nin qar iska tuurnimo iyo aayatiin Khaldan doortay hadii aanu macsalaameyn shacabkiisa.

“Farmaajo haddii uu xaqiiqada wajaho oo garto in ciidan dastuurka daafacaya oo muddo kororsiga diiddan ay Villada kaabiga ku hayaan, Raysalwasaaraha, shanta dowlad gobolleed, Aqalka Sare, Golaha Shacbka intiisa badan, midowga murashaxiinta, bulshada rayidka, iyo Beesha Caalamka ay muddo kororsigiisii ku diideen, uu waayey taageeradii shacabka, gaar ahaan reer Muqdisho, oo ay habeen dhaaf ugu dibad-baxayaan, warbaahintii caalamka ugu waawayneed ay subax walba sawir xun ka bixineyso, hay’adihii xuquuqul insaankana baaritaan ku bilaabeen, liis cunaqabatayn ahna qarka u saaran yahay, dhaqaalihiina sagxadda yahay, kuwii ugu dhowaa ka kala carareen, intii ku hartayna ku jooji halkaa leeyihiin, wuxuu qaadanayaa go’aan geesinimo leh oo uu shacabka ku macsalaameeyo, haddiise uu xaqiiqada iska indha tiro, wuxuu noqonayaa qarka iska tuur aayatiin qaldan doortay”.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha wakhtigu ka idlaaday Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa siweyn looga dhowr sugayaa go’aanka uu ka qaato Qalaalasaha iyo arimaha cakiran ee taagan kuwaaso keenay muddo kororsigii sharci daradda ahaa ee 12-ka April ay u sameeyeen xildhibaanada uu maanta hortagayo ee Golaha shacabka wakhtigu ka dhamaaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *