U.S: Wiilal Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Kansas

Published: May 2, 2021

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka lagu dilay labo wiil oo walaalo ah kuwaasoo kamid ah Soomaalida kunool magaaladaasi.

Wiilasha oo magacyadooda lagu soo koobay Cabdiraxmaan iyo Cabdiwaaxid ayaa waxaa toogasho ku dilay nin la dhashay xili ay kasoo baxeen salaadda Taraawiixda masaajidka ku yaala magaalada Kansas.

Xogaha la helayo waxa ay sheegayaan in wiilashan markiii ay kasoo baxeen masaajidka ayna u soo dhawaayeen hoygooda uu rasaas huwiyay walaalkood la dhashay oo da’ahaan ka weyn kaasoo isna ugu dambeyn ay toogteen Booliiska xili uu damacsanaa inuu ka baxsado goobta.

Meydka wiilashan walalaaha ah ayaa la geeyay masaajidkii ay ka tujiyeen salaadda tarawaaxiida si loogu tukado salaadda janaasada kadibna loo aaso.

Geeridooda oo noqotay mid aad ay aad uga naxeen dadka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan abuurtay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Kansan.

Sida la xaqiijiyay waxa ay ahaayeen kuwo caan ku ahaa barashada iyo faafinta diinta Islaamka iyadoona Salaadaha ka tujin jiray Masaajid lagu magacaabo Al-Taqwa oo ku yaala magaalada Kansan gobolka Missouri ee wadanka Mareykanka.

Mudooyinkii ugu dambeeyay dalka Mareykanka waxaa kusoo badanaya dilalka loo geysanayo Soomaalida kunool dalkaas waxaana xusid mudan in bishii March ee lasoo dhaafay magaalada Minneapolis ay kooxo hubeysan ku dileen Macalin Dugsi oo caruurta bari jiray Xifdinta Quraanka Kariimka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *