Xuska Maalinta xoriyadda Saxaafadda oo dunida laga xusayo

Published: May 3, 2021

Sanad walba marka la gaaro 3-da Bisha May ayaa dunida laga xusaa maalinta ku ilaalinta xoriyadda Saxaafadda.

Soomaaliya oo kamid ah wadamada kasoo kabanaya colaadaha sokeeye ayaa Wariyayaasheed ka howlgala waxa ay ku shaqeeyaan marxalado adag oo marar ka qaar khatar galiya badqabkooda.

Inkastoo sanadihii dambe hoos u dhac laga dareemayo tacadiyada loo geysto Suxufiyiinta marka loo barbardhigo sanadihii hore hase ahaate weli waxaa deegaanada kala duwan ee Somaaliya ee ay ka arimiyaan dowladda iyo dowladah xubnaha ka ah Federaalka ka jira tacadiyo lagula kaco wariyaasha sida xarig handadaad, jirdil iyo marar qaar dil loo geysto.

Saxaafaddu ayaa ah muraayad laga  daawado taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan ilbaxnimada  caalamka ee soo jiitamayey mudo fog .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *