Maxay kawada hadleen Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar

Published: May 4, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani.

Farmaajo iyo Althani ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo marxalada kala guurka dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka oo khilaaf uu ka taagan yahay

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay twitter inay labada hogaamiye ay kawada hadleen iskaashiga iyo sidii doorashadalka dalka ay ugu dhici laheyn si nabadoon.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay ergayga dhax-dhaxaadiya khilaafka ka dhashay doorashada kaasi oo hada ku sugan magaalada Muqdisho kana wada kulamo lagu xalinayo iyo sidii layskugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasada dalka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Qaran iyo Qabiil isma qaadan karaan.
    Ciimadii loo qoray oo laga qoray Hawiye oo loo taba baray oo loo dhaar Shay inay qaranka daafaan oo aysan Kala sokaysan dadka Somalia waxay noqdeen Ciidamo Qabiil oo qabyaalad laga hugaamiyo.
    Ciidama usoo gurmada Qabiil ama Qabiil lassfta maaha ciidan qaran.
    Mushkiladu umadda Somalia waxay gacanta ugu jirtaa gacan kuhayta Mogadishu.
    Haddii aan Mogadishu la xorayn , Somalia ma jirayso, qabiilka Hawiye
    Ayaa siday rabaan u maamulan oo u burburin qaranimo Somalia oo iyaga gacantooda Ku jirta.
    Barlamaan Ku sheega Somalia , waa mid marti Ku ah magaalo Hawiye gacanta ugu jirta.
    Hawiyuhu wuxuu u dagaalamaa saan Mogadishu gacantooda uga bixin.
    Raad goobka Somalia iyo rajo shacab wada nool waxaa la helin maalintii mogasho kabaxdo gacanta Hawiye.
    Mogasho waa magaalo Cadaw haysto, oo colaad, nasiib daro, dilal , dhiig , isu cool qab iyo rajo la aan u hoyata kuna soon toosta haddii dhimadho Qabiil ay caawa Ka badbaado.
    Farmajo oo to an Hawiye oo Madax doonaya oo cidkale aysan wehelin.
    Maaha qaranimo ee waa Cadaw Qabiil Somalia , maaha badbaado ee waa ba iyo hoog qabbill.