Barakac ka dhashay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle

Published: May 5, 2021

Webiga Shabeelle oo mara qeybo kamid ah koonfurta dalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe.

fatahaada Webiga ayaa keenay biyo badan kuwaasoo gooyay dhul beereed ay ku beernaayeen  dalagyo kala duwan qeybo ka mid ah Tuulooyinka hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle waxaana socda qulqulka dadka ka barakacaya fatahaada uu sameeyay webiga shabeelle.

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa Sidoo kale xayirtay isu socodka Gawaarida isaga kala gooshta wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, sidookale waxa go’an wadada xariiriso magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha dhexe iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *