Madaxweynaha Jubaland Oo La Kulmay Qoyska Pro. Gaandi (AUN)

Published: May 6, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay eheladii, qaraabadii iyo Saxiibadii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Prof: Maxamed Cabdi Gaandi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Xubnahan oo ka kooban qoyskii uu ka tagay marxuumku iyo dadweyne kala duwan ayaa ka yimid dalka dibadiisa si ay uga qeyb galaan tacsida marxuumka oo taala magaalada Kismaayo.

Alle ha u naxariistee Pro. Maxamed Cabdi Xaaji Maxamed oo ku magac dheeraa Gaandhi, ayaa kamid ahaa aqoonyahannada ugu caansan Soomaalida, ayaa sanadkan ahaa musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Soomaaliya 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *