Puntand oo dhaqaale u qoondaysay urur siyaasadeedyada Puntland

Published: May 16, 2021

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in urur siyaasadeedyada ka jira Puntland gaar ahaan 9-ka urur ee la aqoonsan yahay la siinayo lacago ay uga qeyb qaataan ololaha doorashooyinka golayaasha deegaanka oo dhawaan sadex degmo kaga qabsoomaya hanaanka xisbiyada badan.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ahna kusimaha madaxweynaha ayaa sheegay in Dawladdu ay $ 90’000 doollar ay u qonddeyeen ururrada siyaasadeedda Puntland.

“Dawladdu iyada oo ka jawaabaysa baahiyaha ku geedaaman hirgelinta nidaamka axsaabta badan, waxaan halkan ka sheegayaa inaan ugu deeqnay Ururkasta $10,000 (toban kun oo doolar) si ay ugu gutaan hawlahooda shaqo. Waxaan diyaar u nahay inaan Guddiga iyo Ururadaba kala shaqayno sidii barnaamijkan looga midho dhalin lahaa”

Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka PL Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Hadalkan ayuu kaga dhawaaqay magaalada Qardho xilli uu maanta ka daah-furay diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono $10’000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *