Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo DFS Oo La Kulmay Beesha Caalamka

Published: May 29, 2021

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka iyo Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta saaxiibada beesha caalamka kula kulmay xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo heshiiskii maalmo kahor madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay ka wada gaareen khilaafkii ka tagaan doorashada dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *