Mahdi Guuleed oo amaanay Doorashada beri looga dareerayo Somaliland

Published: May 30, 2021

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maamulka Somaliland ugu hambalyeeyay doorashada Golayaasha Baarlamaanka ee beri looga dareerayo deeegaanada Somaliland.

Mahdi oo intii uu xilka kuxigeen Ra’iisul Wasaarenimo hayay aan looga baran bogaadinta arimaha Siyaasadda Somaliland ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ugu baaqay shacabka Koonfurta dalka in ay ugaga daydaan shacabka reer Waqooyi habka daahfuran ee la isku doorto.

“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31 May shacabweynaha Somaliland sida dulqaadka,ilbaxnimada iyo waayo-aragnimada ku jirto oo ay ugu dareereen,ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,”

ayuu yiri Mahdi guuleed

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumada Xilgaarsiinta dowladda Federaalja Soomaaliya ayaa gaba gabadii ugu baaqay shacabka Somaliland in ay ilaaliyaan nabadda iyo deganaanshaha inta lagu guda jiro doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *