Muxuu ku qotomaa socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tagayo Jowhar

Published: June 3, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la filayaa in u socdaalo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Diyaargarow la xiriirta soodhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga dareemayaa magaalada Jowhar iyadoona la adkeeyay amaanka guud ee magaaladaasi.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jowhar ayaa ku qotonta u kuurgalidda fatahaadda Webiga Shabeelle kaasoo saameyn u geystay bulshada kunool magaalada Jowhar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *