Jubaland oo sheegtay in ay baaris ku hayso duqeymo ka dhacay Gedo

Published: June 7, 2021

Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqaymo ay dad shacab ah ku wax yeelloobeen oo ka dhacay deegaanno hoos taga Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumal oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday duqeymahan oo ah kuwo ay geysteen Ciidanka Kenya.

Waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen isagoona dhinaca kale dowladda Federaalka ugu baaqay in ay dabagal ku sameyso duqeymaha iyo qaabka ay u dhaceen.

“Dhacdooyiinkii ka dhacay degmada Ceelwaaq iyo Ceel Cadde oo ahayd arrinta duqeynta ay wax ku noqdeen dad shacab ah arintaasna waxaa loo baahan yahay in aysan mar dambe dhicin islamarkana waan ka tacsiiyaynaynaa dadkii wax ku noday baaritaan baana lagu jiraa ,Dowladda Federaalka waxaa looga fadhiyaa in ay daba gasho dhacdadan iyo qaababka waxan ay u dhaceen.

ayuu yiri wasiir dhuumaal

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa jimcihii duqeymaha la beegsaday dad rayid ah oo ku nool deegaano hoosyimaada Ceelwaaq,waxaana ka dhashay duqeymaha khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *