Madaxda Soomaaliya Iyo Azerbaijan Oo Ku Kulmay Shirka Antalya

Published: June 19, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo ka qaybgalaya shirka Diblomaasiyadda Antalya ee Koonfurta dalka Turkiga ayaa halkaas kula dhigiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Kulanka wasiiradda oo ahaa wadahadal laba geesood ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ay ka wada faa’iideysanayaan labada dal.

Shirka Antalya ee looga hadlayo arrimaha diblomaasiyadda ayaa waxaa ka qeybgalaya sannadkan ilaa 12 madaxweyne, 43 wasiirro arrimo dibaddeed, afar madaxweyne hore iyo wakiilo ka socday hay’ado iyo ururo caalami ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa horey loo sheegay inuu shirka ka qaybgalayo, hase yeeshee waxaa la shaaciyay inuusan ka qeybgalayn saacidihii ugu dambeeyay ee shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *