Musharax Xildhibaan Eng. Ismaaciil Said Aw Muuse Oo Laga Taageeray Magaalada Qardho

Published: June 20, 2021

Waxaa maanta shir isugu yimid qaar kamid ah Nabadoonada, Samadoonada, Aqoonyahanka, dhalinyarada beesha Bahyaaquub, Cismaan Maxamuud ee Majeerteen, ujeedka shirka ayaa ahaa in si buuxda loo taaeero  Musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Ismaaciil Siciid Aw-musse.

Nabadoonada iyo waxgaradka shirka isugu yimid, ayaa isku raacey in Ismaaciil Siciid Aw-musse uu yahay, qof u qalma in uu Beesha guud ee Cismaan Maxamuud ku metelo xilka Xildhibaanka,  iyaguna ay taageersan yihiin, sidoo kale waxay ugu baaqeen beesha guud ee Cismaan Maxamuud in ay la qaataan Musharrax Ismaaciil Siciid Aw-musse.

Muharrax Xildhibaan Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Ismaaciil Siciid Aw-musse  oo shirka ka hadley ayaa soo dhaweeyey taageerada  odoyaasha  beeshu ay siiyeen, waxaana uu ballan qaadey in  haddii xilkaas loo xusho ama loo doorto uu si   wanaagsan u gadan doono waajibaadka Xildhibaanka ka saaran Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka uu metelo.

Waxaa shirka ka qaybgalay:

  1. Nabadoon Maxamuud Siciid Awmusse
  2. Nabadoon Siciid Cabdi Qaali
  3. Nabadoon Axmed Maxamuud Yussuf Mataan
  4. Nabadoon Cabdi Cali Faandhe
  5. Samadoon Xassan Ciise Maxamuud
  6. Eng. Cabdulqaadir Yaasiin Aw-maxamed
  7. Cabdullaahi Cali Qood
  8. Cali Faarax Yare
  9. Barkhad Khaliif Cali
  10. Dr. Xuseen Muuse Nuux
  11. Eng. Cabdi Xassan Awmusse
  12. Cali-baashi Siciid Awmusse
  13. Cabdullaahi Siciid Jalalaooti
  14. Axmed Cimaan Cakab
  15. Axmed Siciid Awmusse
  16. Aadam Khaalid Awmusse
  17. Samadoon Jaamac Guure Cilmi
  18. Cabdirisaaq Cali Gaaddasaar
  19. Cabdirashid Jaamac Carab
  20. Maxamed Maxamuud Cali Damal
  21. Eng. Ciise Xassan Ciise
  22. Cabdirisaaq Siciid Guure

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *