Golaha Wadatashiga Qaran oo markale shir ku yeelanaya Muqdisho

Published: June 23, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho kaasoo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Kulanka ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo lagu sii amba qaadi doono howlaha lagu dar dargelinayo arrimaha doorashooyinka dalka xilli uu Ra’iisul Wasaare Rooble dhameystiray Guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed, iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Shirkan ayaa la filayaa in uu noqdo mid dhabbaha u xaara Dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka dalka waxaana uu noqon doonaa kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Madaxda Golaha wadatashiga Qaran ka hor doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *