Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku qanciyay Madaxweynaha Hirshabelle ka qeybgalka Shirka Wadatashiga

Published: June 28, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Hirshabeelle ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegayaa in uu Guudlaawe kula hadlay khadka taleefanka iyadoo uu ku qanciyay in uu habka fogaan aragga uga qeybgalo shirka.

Waxaa la filayaa in shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu ka furmo magaalada Muqdisho xiliyada soo aadan inkastoo aan la ogeyn in maanta uu furmayo iyo inkale.

Maamulka Hirshabeelle ayaa horey u qaadacay ka qeybgalka shirka xili madaxweynaha Maamulkan Cali Guudlaawe Xuseen uu ka carooday in aan lagu marti qaadin shirka lagana qeybgalin kulan habka fogaan aragga ah oo ay maalmo ka hor yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo 4-ta Maamul Goboleed.

Jawiga Shirka ayaa u muuqda mid qabsoomaya Madaxda ayaana la filayaa in shirkadda ay diiradda ku saaraan amba qaadistii heshiiskii Doorasho iyo dib u eegis lagu sameeynayo qodobadii horey loogu heshiiyay sida deegaan doorashada iyo tirada Ergada oo la dhimayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *