Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyay Xisaab-Xirka Miisaaniyadda 2020

Published: July 3, 2021

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee golaha wakiilada.

Kulanka oo ay shir guddoominayeen guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad iyo labaad ee Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa ka doodista xisaab-xirka sannad maaliyadeedka 2020.

Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xildhibaanada ayaa Akhrinta labaad ku soo sameeyay Xisaab-xirka sanadka Maaliyadeedka, isla markaana Warbixintooda la wadaagay Golaha.

Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, mana jirin cid diiday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *