Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo dib loo furay

Published: July 3, 2021

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dib loo furay kaddib muddo lix bilod ah oo ay u xirnayd khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dal.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in safaaradda ay dib u bilowday adeegyadii ay u haysay Bulshada Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in waddamada Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba dal oo uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aanan si fudud u kala go’i karin.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee dhawaan ayaa lagu guuleysatay in arrinkaas ay is afgarad ka garaan madaxda labada dal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *