Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Qaybgalay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland

Published: July 8, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Raysal wasaare Rooble, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka golaha wasiirada Jubaland, waxaana shirka oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan shaqooyinka horyaalla golaha wasiirada dowlad goboleedkaasi.

Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland.

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shalay socdaal ku tagay Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *