Ethiopia: Abiy Ahmed oo Aqlabiyadda ugu badan ka helay Doorashada

Published: July 11, 2021

Guddiga Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay natiijada doorashadii dhacday 21 Bishii June ee aynu soo dhaafnay.

Xisbiga Talada haya ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku guulaystay aqlabiyadda ugu badan sida uu sheegay guddiga doorashooyinka.

Guddiga ayaa sheegay in xisbiga Mr Abiy ee Prosperity Party uu ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Marka la eego Shan meelood meel dalkaasi ayaanay doorasho ka dhicin sababo la xiriira dhibaatooyinka dhanka farsamada ah iyo ammaan xumo awgeed.

Gobolka Tigrey ayaa kamid ah gobolada aanay ka dhicin Doorashada xilli colaadda gobolkaasi sababtay in kumannaan kun oo qof ay wajahayaan macaluul daran.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay tan iyo intii uu xukunka qabtey ra’iisal wasaare Abiy Axmd sanadkii 2018-kii iyadoo doorasho noocan oo ka dhacda Itoobiya ay ugu dambeysay sanadkii 2015.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *