Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Dhigiisa Erdogan

Published: July 15, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Ordugan, shacabka iyo xukuumadda dalkaas xuska maalinta qaran ee midnimada iyo dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo.

War qoraal oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay inuu Farmaajo ku bogaadiyey shacabka Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka Jamhuuriyadda Turkiga.

“Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.”

Villa Somalia

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey dowladda iyo Shacabka Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *