Akhriso: Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Published: July 24, 2021

Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka dadban (GXKHDD) ayaa soo saaray habraaca xalinta khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu cabasho u soo gudbin karo oo kaliya Murashax soo buuxiyay shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la diiwaan-geliyay.

Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka ayaa tilmaamay in Cabasho u soo gudbin karaan Xildhibaanada dowladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *