Afhayeen Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidamada Booliska Soomaaliya

Published: July 25, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Afhayeen cusub u magacaabay Ciidanka Booliska, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Afhayeenka cusub ee Ciidanka Booliska dowladda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Cabdifataax Aadan Xasan oo bedelaya Afhayeenkii hore ee Ciidanka Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe oo xilkaas laga qaaday.

Afhayeenka Cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Xasan

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa faray Afhayeenka cusub ee Ciidamada inuu toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isagoona xalay Cabdifataax Aadan markii ugu horreeyay la hadlay warbaahinta, kana hadlay Burcad lasoo qabtay.

“ Ciidamada Booliska ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay burcad hubeysan oo dhac ka geysan jirtey isgoyska Ex Contarol Afgoye kuwaasoo dagaal dhex maray kay ku geeriyoodeen illaa afar ruux oo rayid ah saddex kalana waa ku dhaawacmeen,cadaalada ayaana la marin doonaa,”ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *