Jubaland: Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Qabsoontay

Published: July 29, 2021

Waxaa maanta lagu doortay dowlad goboleedka Jubaland xubnihii ugu horreeyay ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, taas oo muujinaysa inay billaabatay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr jeer oo dib u dhac kuyimid.

Kursiga u horeeyey ayaa waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 Cod ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod.

Ugu dambayn Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah;

1- Ilyaas Badal Gaboose.
2- Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,
3-Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo
4-Iftiin Xasan Iimaan Baasto

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *