Koonfur Afrika oo diiday in Israel kamid noqoto Midowga Afrika

Published: July 30, 2021

Dowlada Koonfur Afrika ayaa cambaareysay go’aankii Midowga Afrika ku ogolaaday in Israel ay dowlad korjooge ah ka noqoto Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa asbuucii lasoo dhaafay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israel ee u fadhiya dalka Itoobiya, Chad Aleli Admasu.

Qoraalka kasoo baxay Waaxda Iskaashiga caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kaligood qaateen Komishinka Midowga Afrika iyagoo aan kala tashan 55 wadan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Hadalka kasoo baxay Koonfur Afrika ayaa waxaa sidoo kale taageeray dowlada Aljeeriya.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalkii dhibaatada badan kala kulmay Israel oo gacan siin jirtay dowladii cunsuriga ahayd ee Apartheidkii kasoo talin jiray dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *