Labo Haween ah Oo Kusoo Baxay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee K/Galbeed.

Published: August 2, 2021

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, ayaa soo gunaanaday doorashadda shan kursi kamid ah 8-senatar ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Shanta Senater ee kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ayaa labo kamid ah waxaa ay yihiin dumar, wuxuuna dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya noqonayaa dowlad goboleedkii labaad ee qabta doorashada kuraasta aqalka sare marka laga reebo Jubbaland oo ka horeysay.

5-ta Senater ee ku guuleystay kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka sare ayaa kala ah:

  1. Sen. Ayaan Aadan Cabdullahi
  2. Sen. Samsam Ibraahim Cali
  3. Sen. Aadan Cabdinaasir Maxamed
  4. Sen. Xuseen Maxamed Daahir
  5. Sen. Maxamuud Maxamed Cabdinuur

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *