Ra’iisul Wasaare Rooble oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

Published: August 18, 2021

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Masar magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka iyo howl wadeennada safaaradda ku dhiirigeliyay xoojinta howsha ay qaranka u hayaan waxaana uu docda kale xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa weli kuguda jira booqashada uu ku joogo magaalada Qaahira waxaana la filayaa in soo gaba gabeeyo booqashada isagoona inta uu ku sugnaa kulamo la qaatay madaxda dowladda Masar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *