Turkiga oo sheegay inay diyaar u yihiin dhex dhexaadinta Abiy & Tigrey

Published: August 19, 2021

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo martigelinayey Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqasho ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in xasiloonida Itoobiya ay muhiim u tahay guud ahaan Bariga Afrika.

Abiy Ahmed iyo Tayib Erdogan oo shir jaraa’iid ku qabtay Madaxtooyada Ankara, Turkey August 18, 2021. (Photo by Ali Balikci/Anadolu Agency)

Dalalka Turkiga iyo Itoobiya ayaa u dabaaldegaya 100 sanoguurada xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyey labada wadan.

Turkiga oo kamid ah wadamada xiligan maalgashiga ku sameystay Itoobiya ayaa si weyn uga walaacsan in maalgashigooda gobalka ay saameyn ku yeelato dagaalada ka socda Itoobiya.

Abiy Ahmed oo soo dhaweeyey taageerada ay ka helaan saaxiibadooda Turkiga ayaa sheegay inuu doonayo in lasii xoojiyey xiriirka ganacsi iyo iskaashi ee labada dowladooda.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa dadaal ugu jira inuu helo taageero dhaqaale iyo militari xili uu cadaadis kala kulmayo dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka oo dhaliilsan dagaalka ka socda ismaamulka Tigery ee waqooyiga Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *