Rooble Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal

Published: September 13, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Raysal Wasaare Rooble ayaa Guddiga doorashooyinka ee uu la kulmay Warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu  ka jawaabay codsiyo uga yimid dhinaca Guddiga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble uu Guddiga doorashooyinka uga Jawaabay dalab la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in la dardar-gelin doono Arrimaha doorashooyinka oo ugu horreeyso qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo dib u dhacday.

Kulankaan uu Raysal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta la yeeshay xubno ka tirsan ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa kusoo aaday, iyada oo weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *