Kuuriyada Waqooyi oo ku eedaysay Maraykanka bilowga tartanka hubka Nukliyeerka

Published: September 20, 2021

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in heshiiskii dhexmaray Maraykanka iyo Australia ee Maraakiibta nuliyeeryka uu yahay mid khatar ah oo irridaha u furaya loolan cusub oo dhanka hubka nukliyeerka ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey dalalka Maraykanka, UK iyo Australia ku dhawaaqeen isbaheysi cusub iyo heshiisyo dhanka militari ah oo uu kamid ah Mashruuca cusub ee uu Maraykanka maraakiibta Gujiska ku shaqeeya Nuliyeerka u sameenayo dowlada Australia.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey dowlada China oo sheegtay in heshiiskan uu muujinayo munaafaqnimada Maraykanka oo kamid ahaa dalalkii horey u sheegi jiray in loo baahan yahay in la xakameeyo hubka halista ah ee Nukliyeerka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *