Maraykanka oo tarxiilaya 3300 qaxooti u dhashay Haiti

Published: September 20, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa wadankooda dib ugu celisay in ka badan 3.300 qaxooti kasoo jeeda dalka Haiti kuwaasi oo dhawaan kasoo tilaabay xaduuda u dhaxeysa Mexico iyo Maraykanka.

Agaasimaha illaalada xaduuda Maraykanka  Raul Ortiz ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in 7da maalmood ee soo socda dib loo cesho in ka badan 12.000 qaxootiga ka yimid Haiti oo hada ku sugan xaduuda gobalka Taxes ee Maraykanka.

Dowlada Maraykanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay sheegay in la dardar gelin doono tarxiilka qaxootiga reer Haiti oo kuwadii ugu horeeyey Axaddii shalay dib loogu celiyey dalkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *