Wasiirka Qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Sweden

Published: October 7, 2021

Wasiirka Qorshaynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda Wafdi ka socday dowladda Sweden oo uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya dalkeenna Mr. Per Lindgärde, Petra Smitmanis Dry Madaxa hay’ada horumarinta Iskaashiga Caalamiga Sweden ee loo soo gaabiyo (SIDA ), iyo Kormeerayaal ka socday Wasaaradda Arimaha Dibada dalkaasi.

Madaxda dhinacyadooda kala duwan waxay isla gorfeeyeen xoojinta xiriirka horumarineed ee labada dal, dhinacyada Amniga, Haweenka, Dhallinyarada iyo dhaqaalaha, iyada oo loo marayo Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ-9).

Danjiraha Sweden ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageeridda joogtada ah ee Sweden ee ku aaddan Horumarinta Soomaaliya la dar-dargalin doono, wuxuuna ballan qaaday inuu xoojin doono qaybaha kale sida amniga, doorashooyinka iyo Arrimaha muhiimka ee ku xusan Qorshaha horumarinta Qaranka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *