Tababar ku saabsan Maareynta amniga Doorashooyinka oo Bosaaso looga furay Saraakiil..

Published: October 9, 2021

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Tababar ku saabsan Maareynta Amniga doorashooyinka Golaha Aqalka Hoose ka furay Magaalada Bosaaso.

Tababarkaan oo soconaya mudo Lix maalmood ah ayaa waxaa ka faa’ideysanaya Saraakiil ka socota Laamaha Kala duwan Ciidamada ,Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland iyo Xubno ka socda Maamulka Dowlada Hoosse Bosaaso.

Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay in Tababarkaan uu muhiimad u leeyahay shaqadada la qaban doono ee sugidda amniga Doorashooyinka si bulshada loogu adeego hufnaan iyo dacaadnimo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *