RW Rooble oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka Soomaaliyeed

Published: October 12, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.”

ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *