Jadwalka Doorashada kuraasta Aqalka sare ee Jubaland oo la shaaciyay

Guddiga Maamulaya Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubaland ayaa soo saaray Jadwalka doorashada kuraasta dhiman ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in 19-ka October la bilaabayo Howlaha Doorashada kuraasta aqalka Sare ee ah afarta kursi ee ka dhiman liiska Aqalka sare ee jubaland.

Waxa uu Guddigu shaaciyay in 20-ka October la diiwaangelinayo musharixiinta halka 21 October la qabanayo doorashada Senetarada Aqalka sare

Hoos ka akhriso jadwalka .