Qardho: Ciidamadii sugay amniga doorashada Qof iyo Cod oo la sagootiyay

Published: October 30, 2021

Ciidamadii ka qayb-qaatay sugidda Amniga doorashada qof iyo cod ee ka dhacday magaalada Qardho ayaa la sagootiyay iyadoona la gudoonsiiyay shahaadl sharaf ay ku muteysteen shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen.

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay Ciidanka ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiisha kala duwan ee ciidamada ,Taliyaha ciidamada daraawiishta ee Silsilada Golis, Taliyaha qaybta, Taliyaha Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Saraakiisha ayaa waxay si wada-jir ah ciidanka uga mahad-naqeen dadaalkii ay geliyeen mudadii ay socotay doorashada Qof iyo cod.

Gaba gabadii Ciidanka ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf ay ku mutaysteen hawl-karnimadii ay muujiyeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *