SUDAN: Kumanaan kun oo ka qeyb qaatay banaanbax looga soo horjeedo Militariga

Published: October 30, 2021

Waxaa maanta oo sabti ah dalka Sudan ka dhacay banaanbixii ugu balaarnaa oo ay shacabka uga soo horjeedaan militariga xukunka la wareegay.

Kumanaan dibad-baxayaal ah oo ka soo horjeeda afgambiga ka dhacay dalka Suudaan ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u codsadaan in dib loo soo celiyo dowladii rayidka ahayd.

Dibad-baxayaasha ayaa ku baaqay in dib loogu laabto waddadii dimoqraadiyadda, maadaama ay diideen tillaabooyinka ay qaadeen hogaanka militariga, waxayna dalbadeen in la sii daayo maxaabiista siyaasadeed.

Sida uu sheegay TV-ga Suudaan, ciidamada ammaanka ayaa xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah iyo buundooyinka magaalada caasimada ah ee Khartoum.

Inta badan shacabka Suudaan ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu General Abdel Fattah al-Burhan ku sameeyay golaha Wasiirada ee Ra’iisal-wasaare Abdalla Hamdok isniintii lasoo dhaafay, waxaana hada la xayiray dhamaan gargaarkii iyo deeqihii caalamka siin jiray wadankaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *