Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay rag katirsan Alshabaab

Published: November 15, 2021

Ciidamadda amaanka gaar ahaan Ciidanka NISA ee Duufaan ayaa howlgal balaaran xalay ka fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshid iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan ayey ciidamadu ku soo qabteen saddex ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab oo deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhuumaalaysanayey sida ay tabisay warbaahinta ku hadasha afka Ciidanka qalabka sida.

Mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan ayaa waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan alshabaab kuwaasoo ay wadaan Ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *