Raysal Wasaare Rooble Oo Galabta Gaaray Dhuusamareeb

Published: November 15, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Raysal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Rooble, Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *