Wariye Cabdicasiis Afrika oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii..

Published: November 21, 2021

Allaha u naxariistee weriye Cabdulcasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho ayaa ku geeriyoodey qarax lala beegsadey gaari uu sitey, oo xalay ka dhacey magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa uu dhaawac xun soo gaarey Agaasimaha Telefishinka Qaranka SNTV,Sharma’arke Warsame.

Xiliga qaraxu dhacay marxuum Afrika iyo Sharmaarke ayaa Waxay waxa ay saarnaayeen gaari, oo sida ay sheegeen Ciidanka Booliiska uu beegsaday qof naftii hallige ah.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa ismiidaaminta iyadoo geerida marxuum weriye Cabdicasiis Afrika ku sifeysay in ay uga aargudaysay Xasan Xanafi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *