Shan kamid ah Kuraasta Gobolada Waqooyi Ee Golaha Shacabka Oo La Doortay

Published: November 23, 2021

Waxaa maanta xarunta Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho lagu doortay shan kamid ah kuraasta xildhibaanada gobolada Waqooyi ee golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubanaha xildhibaanada ee maanta la doortay ayaa qaarkood horey uga tirsanaa baarlamaankii hore, waxaana kamid ah xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo ka guuleystay musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Waxaa sidoo kale dib loo soo doortay xildhibaan Aamino Cumar Jaamac kadib markii ay u tanaasushay musharaxadii la tartamaysay oo lagu magacaabo Aamino Cismaan Diiriye.

Xildhibaanada kale ee ku cusub baarlamaanka ayaa kala ah Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye, Xildhibaan Faadumo Xasan Cali oo loo tanaasulay iyo Xildhibaan Maxamed Haaruun Abdullahi oo isna doorashada uga adkaaday Axmed Cali Maxamed oo la tartamay.

Tirada guud ee Xildhibaanada dooran ayaa dhan todobo xubnood oo kasoo galaya Gobolada Waqooyi ,waxaana dhamaantood lagu doortay Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *