Raysalwasaare Rooble Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Lagu Dilay Muqdisho

Published: December 3, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dilal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen saddex ruux oo dhalinyaro ahaa oo ay ku jiraan laba walaalo ah.

Raysal Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa marka hore tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo walaalo ahaa iyo Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ay dileen Ciidamo kamid ah dowladda Federaalka.

Rooble ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in Ciidanka ammaanka ay soo qabteen eedaysanayaashii dilay saddexda ruux ee dhalinyarada ahaa, kuwaasi oo lagu kala dilay Isgoysyada Soobe iyo Dabka ee Muqdisho.

Sidoo kale raysalwasaaraha ayaa amray in si deg deg ah sharciga loo horgeeyo eedaysanayaashii loo soo qabtay dilalka loo geystay Allaha u naxariistee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud, si eheladoodu caddaalad u helaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *