Laamaha amaanka Hirshabeelle oo loogu baaqay sugidda amniga jowhar

Published: December 12, 2021

Maalintii shalay ayay aheyd markii qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Jowhar ayna ku dhaawacmeen Xildhibaano katirsan Hirshabeelle ayaa waxaa Laamaha Amaanka Maamulka Hirshabeelle loogu baaqay in uu wax ka qabto amaanka magaalada Jowhar.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymoow ayaa sheegay in aan la aqbali karin xaaladda amaan darro ee Jowhar ,laamaha amaanka ayuu faray in ay adkeeyaan sugidda amniga magaalo madaxda Hirshabeelle ee Jowhar.

Waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in amaan daradda magaalada Jowhar uu saameyn ku yeelanayo Doorashada kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo amaanka lagana hortaggo wax kasta oo khalkhal gelinaya.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay,sidoo kale Shan ruux oo ku jiraan labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay goob laga cunteeyo oo ay ku sugnaayeen xildhibaano iyo dad shacab ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *