PSF oo War kasoo saartay dagaalka Boosaaso

Published: December 22, 2021

Hay’adda Ciidamada amniga Puntland PSF ayaa ka hadlay dagaalkii 48-dii saac ee lasoo dhaafay Boosaaso ay kula galeen Ciidamada Daraawiishta Puntland, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda PSF ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah oo lagu jebiyay sharcigii iyo xeerarkii u yaallay PSF & Puntland Ciidamadooda lagu soo qaaday muddo laba maalmood ah, balse ay iska difaaceen iyagoo ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Deni inay diiday gartii ay u dhiibteen Isimada Puntland,

Waxaan aad uga xunnahay dhibta bulshadeenna soo gaartay, runtii raali kama nihin
wixii sameeyayna way qaadayaan masuuliyadooda. Ciidanka PSF waxay u taaganyihiin la dagaalanka argagixisadda, amni daradda iyo cid kastoo ku lug leh “

ayaa lagu yiri Qoraalka PSF.

PSF ayaa sheegtay in dadkii ayagu argagixisadda ka tirsanaa oo ay bulshada ka difaacayeen haatan ku gabanaya xasaanadda dowladda marnaba aanay ku eedayn karin, ,isla markaana Puntland naba-deeda iyo horrumarkeeda geed walba ay u harsadeen ayna kasii shageyn doonaan sida ay ku sheegeen warsaxaafadeedka kasoo baxay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *