Lafta-Gareen oo la kulmay Safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka

Published: January 2, 2022

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiiradda Dowlada Ingiriiska iyo sii hayaha Safaarada Mareykanka.

Madaxweynaha iyo Safiirada kulankooda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Madaxtooyada KG.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladda dalka uu marayo dhinacyada Amniga, doorashooyinka iyo Abaaraha.

Laftagareen oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa horey u qaadacay inuu ka qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Beesha Caalamka ayaa ku caadadinaya madaxda maamul gobaleedyada ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Raysalwasaare Rooble ee dhameystirka iyo xalinta murranka ka taagan doorashada dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *