Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug oo amartay in cid kasta oo Gaalkacyo ku haysata hub sharci darro ah lagala wareego

Published: January 2, 2022

Hawlgalo ciidamada amniga puntland ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacayo ayey kusoo qab qabteen hub noocyo kala duwan isugu jira isla markaana shalay gelinkii dambe lagu soo bandhigay xarunta qaybta taliska Booliska Gobolka Mudug ee puntland iyadoo ay ku sugnaayeen madasha lagu soo bandhigayey hubka saraakiisha heya’addaha amniga,garsoorka iyo maamulka Gobolka ayaa maxkamada darajada koowaad waxay ay xukuntay in dhamaan hubkaas uu la wareego maamulka Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug mudane Cabdinaasir Maxamed ayaa madashan ka akhriyey go’aanka maxkamadda isagoo sidoo kalena sheegay in maxkamadu amartay in cidkasta oo lagu arko hub sharci darro ah lagala wareegi doono.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse ayaa ugu dambayn digniin u diray cid kasta oo hub sharci darro ah ku dhex haysata Gobolka iyo dhamaan deeganada Puntland ee hoos yimaada Gobolka Mudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *