Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo tababar loogu soo xiray Caabduwaaq

Published: January 17, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo safar howleed ku soo gaaray Galabta Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa tababar ugu soo xiray Degmada ciidan cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciidanka soo dhamaystay Tababarka ayaa Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Galmudug, Saraakiil, Maamulka Degmada. Iyo  Qaybaha kala duwan ee Bulshada Caabudwaaq.

Ciidamada ayaa soo bandhigay xeeladihii iyo xirfadihii ay tababarka ku soo qaateen, taasoo si wayn loogu riyaaqay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *