Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe

Published: January 25, 2022

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health (NIH)) ayaa lagu wadaa inay si wada jir ah u qabtaan shir weynihii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigi doono cilmi-baadhisyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka guud.

Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo-1 Feebaraayo 2022.

Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa u guntaday inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.

Madashan ayaa fursad gooniya siin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka guud oo runtii ah meelaha ugu muhiimsan ee dalkeenu ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa waxay si u mahadceliyen Ururka Caafimaadka Adduunka, Wakaaladda Caafimaadka guud ee dalka Sweden (Public Health Agency of Sweden) iyo Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee  (SHAJ).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *